Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay ururka caalamiga ah ee GGGI

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay ururka caalamiga ah ee ๐†๐ฅ๐จ๐›๐š๐ฅ ๐†๐ซ๐ž๐ž๐ง ๐†๐ซ๐จ๐ฐ๐ญ๐ก ๐ˆ๐ง๐ฌ๐ญ๐ข๐ญ๐ฎ๐ญ๐ž (๐†๐†๐†๐ˆ), ururkan ayaana ka shaqeeya u ololeynta arrimaha deegaanka iyo isbedelka cimilada adduunka.

Soomaaliya ayaa noqotay dal xubin buuxa ka ah Iskaashigan muhiimka ah, wuxuu gacan ka geysan doonaa ku biiristaย  ururkan xoojinta qorshayaasha ku saabsan horumarinta dhaqaalaha cagaaran, ilaalinta deegaanka, iyo la qabsiga saameynta isbeddelka cimilada.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, oo ku matalaysay Soomaaliya heshiiskan, ayaa tilmaantay muhiimadda iskaashigan iyo inuu yahay tallaabo waxtar leh oo lagu xaqiijinayo himilooyinkeenna ku aaddan mustaqbal cagaaran.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu biirtay ururo kala duwan oo ka shaqeenaya isbadalka cimilada adduunka, waxa ayna Soomaaliya sidoo kale taageero dhaqaale ka heshay ururo iyo hay’addo xoogga saara kahor taga dhibaatooyinka ka dhasha isbadelka cimilada adduunka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo faray Wasaarada Maaliyadda iney Nus Milyan Dollar ku bixiso …

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasab Sheekh oo la kulmay Waalidiin Carruurtooda Eritrea loo qaaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyay hotel SYL

Cabdi Cade