Waxaa sii kordhaya shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadka tooska ah ku taga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaa oo ay si weyn uga faa’iideen bulshada Soomaaliyeed.
Diyaaradda ay leedahay dawladda Cumaan ee SalamAir ayaa 16 bisha Jannaayo ee sannadka 2025, waxay billaabaysa duulimaad toos ah oo isku xiraya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo caasimadda dalka Cumaan ee Muscat.
Duulimaadkan ay shirkadda Salamair ku tageyso Muqdisho ayaana ka dhigan duulimaadkii u horreyay ee toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo dalka Saldana Cumaan, sida ay ku dhawaaqday hay’adda duulista rayidka ee dowladda Cumaan.
Duulimaadkan oo ah toddobaadle isku xiraya labada dal ayaa fursad u noqonaya ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Cumaan, halka duulimaadka oo diyaaradda loo adeegsanayo ay tahay mid qiimo jaban ku bixisa tikidhada ay sare u qaadayso xiriirka dhaqan , dhaqaale ee labada dal.