Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre , ayaa si adag uga horyimid ansixintii xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ansixiyeen guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka dalka.

Kheyre ayaa sheegay in madaxda dalka horay uga digeen halista iyo hubanti la’aanta siyaasadeed ee ku geedaaman jidka qardajeexa ah ee uu dalka ku wado Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uuna xusay in uu  laalay dastuurkii qaranka, sidoo kale wiiqay midnimadii dalka iyo wadajirkii ummadda.

”Waxaa ayaandarro ah in Madaxweynaha oo dalka ku sii wada dariiqii khatarta badnaa ee aan uga dignay, uu si sharcidarro ah u meelmariyay xeerka dhisidda guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka, isagoo isticmaalaya Guddoonka Baarlamaanka. Tallaabadan waxa ay sii kala dhantaalaysaa midnimadii ummadda, waxayna dalka u horseedaysaa khilaaf hor leh iyo xasillooni la’aan siyaasadeed” ayuu yiri Kheyre.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre , ayaa sheegay in aysan marnaba shaqeyn doonin guddi iyo shuruuc doorasho oo aan heshiis lagu ahayn, waxa uuna intaa ku daray in khibrad ku filan  u leeyahay natiijada iyo cawaaqibka khilaafka iyo damac gurracan oo ku dhisan dano gaar ah.

Kheyre ayaa ugu dambeyn uga digay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoonka Baarlamaanka in aysan iska indhatirin xaqiiqada hortaalla dalka, waxa uuna xusay in dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed aaney waqti uga lumin guddi iyo shuruuc doorasho oo aan marnaba laga aqbali doonin.

”Haddaba, waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoonka Baarlamaanka ugu baaqayaa in aaney iska indhatirin xaqiiqada hortaalla dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeedna aaney waqti uga lumin guddi iyo shuruuc doorasho oo aan marnaba laga aqbali doonin, degdegna loo furo madal qaran oo looga heshiiyo doorashooyinka dalka, taas oo ay qeyb ka yihiin Puntland, Jubbaland, iyo saamileyda kale ee siyaasadda, si dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga samatabixiyo jahawareerka iyo hubanti la’aanta siyaasadeed” ayuu yiri Kheyre.

Ansixinta guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka dalka, ayaa dhalisay cambaareyn xooggan oo ka timid siyaasiyiinta mucaaradka , kuwaa oo si adag uga horyimid qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo doorasho qof iyo cod ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ardaydii ugu badneed oo Aragga la’ oo maanta u fariistay imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Abiy oo loogu baaqay in uu xaliyo Colaada u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay qorshiisa nabadeynta ee bariga dhexe

Caydiid Ali