Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo war kasoo saaray go’aankii maanta gaareen xildhibaannada labada Aqal

Tallaabada uu maanta qaaday Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ansixinta sharci darrada ah ee xeerka lagu sheegay dhisidda Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha waxa ay sii fogaynaysaa xal u helidda tabashooyinka ay qabaan Dowlad-goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaranka, madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.

Isku-milanka labada hay’adood ee fulinta iyo sharci-dejinta waxa ay sii kala qeybisay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo aqlabiyadda xildhibaannada heer Federaal ee matala Jubbaland iyo Puntland ay si cad uga soo horjeesteen meelmarinta sharciyadan iyo guddiyadan aan loo dhammayn, taas oo muujinaysa in xitaa Golihii Baarlamaanka la kala qaybiyey.

Haddaba, annaga oo tixraacayna waaqaca siyaasadeed ee dalka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara sharciyo, guddiyo iyo hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn waxaan caddeynaynaa in aanan aqoonsanayn hindiseyaashaas iyo guddiyada lagu dhisayaba, oo ay hubaal tahay in aan lagu salayn maslaxadda guud ee qaranka Soomaaliyeed iyo duruufaha siyaasadeed ee ka jira dalka.

Nidaamka uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay qaadeen jiho khilaafsan dastuurkii lagu doortay iyo shuruucdii loo dhaariyey, sidaas awgeed waxa ay qaadayaan mas’uuliyadda taariikhiga ah iyo cawaaqib ka ka dhalanaya qorsheyaashooda gurracan ee kala qaybinaya shacabka Soomaaliyeed.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan xasuusinaynaa muhiimadda ay leedahay in ay joojiyaan ka qayb-qaadashada isku dayga hirgelinta hindiseyaasha ku saleysan danaha gaarka ah ee wiiqaaya dowladnimada iyo dib u kabashada dalka, door hoggaamineedna ay ka qaataan ilaalinta midnimada iyo dowladnimada dalka.

DHAMMAAD

Related posts

Uhuru Kenyatta oo si adag uga hadlay Dadkii lagu laayay dibadbaxii ka dhacay Kenya

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada oo Dambi ku weysay nin horey Xukuno dil ah loogu riday

Cabdi Cade

Madaxda dalalka Jabuuti iyo Kenya oo ka hor yimid qorshe ay wado dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---