Allbanaadir.com
NEWS

Tallaabadii ay maanta qaadeen Xildhibaannada labada Aqal oo laga horyimid

Siyaasiyiin caan ah kana mid ahaa musharaxiintii kursiga Madaxweyne kula tartamay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga horyimid ansixinta xildhibaannada labada Aqal ee dhismaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed , ayaa shaki galiyay qorshaha Villa Soomaaliya ku dooneyso in la qabto doorasho qof iyo cod ah , waxa uuna xusay in aysan xilligan suurto gal aheyn in doorashadaasi la qabto xilli ay Puntland iyo Jubbaland maqan yihiin.

“See lagu gaari karaa qof iyo cod magaaladaan aan maanta joogno oo caasimada ah oo dowladda ay ku shaqeyneyso ma ka dhici kartaa qof iyo cod dadka inta ay baxaan si xor ah oo xalaal ah cod ma u dhiiban karaan?, su’aashaas ayaa ku taallo” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamaanka dalka shaqadoodii saxda ahaa la curyaamiyay, waxa uuna xusay in shaqadii oo dhan ay noqotay mid waxbo kama jiraan ah, isaga oo shaki galiyay tirada xildhibaannadii maanta u codeysay xeerkii la horgeeyay.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame , ayaa sheegay in Baarlamaanka dalka ka jira uu hadda noqday mid aad u liita, waxa uuna xusay in Baarlamaankan uuba kasii xun yahay kii ka horreeyay ee wax walbo meel marinayay xilligii Farmaajo.

“Runtii waa waa ayaan darro wayn in baarlamaanka  labadiisa Aqal ay noqdaan meel ka liidatay baarlamaankii xukunka milatariga oo la leeyahay maanta waxaa timid 173 xildhibaan gacanta ayay wada taageen qof diiday maleh, qof ka aamusay maleh. Golihii shacabka wuxuu noqday meel lagu sacab tumo oo lagu guul wadeeyo, waana ognahay in xildhibaannada joogay aysan ka badneyn 120 xuldhibaan oo u badan wasiirada”” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalka siyaasiyiintan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh dadaal badan ku bixineyso sidii dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah, xilli ammaanka dalka wali la isku haleyn karin sidoo kale maqan yihiin maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir iyo saraakiil tagay deegaan shalay Al Shabaab cashar loogu dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Shacabka Somalia oo amar culus dul dhigay Wasiirka Gaadiidka Duulista hawada DF

Caydiid Ali

RW Xamse oo labo Wasiir ka gudoomay ballanqaadka qorshaha Waxqabad (Sawirro)

Caydiid Ali