Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo u mahadceliyay xildhibaannada labada Aqal

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo hadal jeediyey kadib ansixinta Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa u mahadceliyey xildhibaannada iyo Senatarrada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir Cali Xoosh oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri” Anigoo ku hadlaya Magaca Xukuumadda JFS iyo Magacaygaba, waxaan halkan Mahadcelin iyo bogaadin ugu soo jeedinayaa Shirguddoonka labada Gole ee Barlamaanka JFS, Xildhibaannada & Senatarrada Baaralamaanka iyo Guddiga Ku meelgaarka ah ee labada gole, sidii qiimahaha badnayd ee aad uga doodeen oo aad si aqlabiyad ah ugu ansixiseen Hindise xeereedka Dhisidda Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha”

Ugu Dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in Xeerkaan uu damaanad qaadayo Xil-gudashada iyo madaxbannaanida Guddiga isagoo yiri “ Xeerkani wuxuu damaanad qaad u yahay xil-gudashada iyo madax bannaanida Guddiga Doorashooyinka oo masuul ka noqonaya hirgelinta doorashooyinka heerarka kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qabashada Aftida Dadweeynaha iyo asteynta soohdimaha dalkeenna, iyagoo raacaya Siyaasadaha iyo xeerarka dalka.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay dhismaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Soomaaliya.

Related posts

Saraakiil katirsan ciidan uu kala diray Madaxweyne Ruto oo loo heesto Dilal arxan darro ah

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay magacaabis iyo heshiisyo la galay

Cabdi Cade

Afhayeenka Aqalka Cad oo laga eryay laguna bahdilay maqaayad kutaala magaalada Washington

Cabdi Cade
Taboola Ads ---