Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaannada labada Aqal oo ansixiyay dhismaha guddiga Doorashooyinka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta xarunta Villa Hargeysa kulan wadajir ah ku yeeahay ayaa ansixiyay xeerka dhismaha guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xeerkaan ku ansixiyey cod aqlabiyad ah, waxaana ogolaatay in la ansixiyo xeerka dhismaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka 173 Xildhibaan, mana jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka guddoominayay ayaa sheegay in xeerkan la horkeenay xildhibaannada labada Aqal uu yahay ansax ayna xildhibaannada u codeeyeen.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa sidoo kale la filayaa in bishan inta lagu jiro ansixiyaan xeerar kala duwan oo horseed u noqon kara doorashada qof iyo cod ay dooneyso Villa Soomaaliya in la qabto.

Related posts

(Sawirro) Qoorqoor oo furay garoonka cusub ee dayuuradaha degmada..

Caydiid Ali

Iran oo warbixin ka soo saartay baaritaanka dilkii Haniya

Caydiid Ali

Nooca cusub ee COVID-19 OMICRON oo xawli ku faafaya & digniino la soo saaray

Caydiid Ali