Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo ka naxay awoodda gantaalada ay adeegsato Xuutiyiinta

Kooxda Xuutiiinta ee maamusha qeybo badan oo kamid ah dalka Yemen , ayaa helay hub badan oo casri ah ay ku jiraan gantaalo meelo fog fog gaari kara, kuwaa ay u adeegsadaan weeraro ka dhan ah maamulka Israa’iil iyo dowladda Mareykanka.

Gantaalada ay adeegsadaan Xuutiyiinta ayaana la sheegay in ay yihiin kuwa awood badan oo geysan kara waxyeelo badan, waxa ayna gantaaladan kooxda ku fulisay weeraro ka dhan ah Israa’iil, iyada oo garab istaag u muujineysa ururka Xamaas.

Madaxa iibka hubka ee waaxda difaaca dowladda Mareykanka (Pentagon-ka), Bill LaPlante, ayaa sheegay inuu aad uga naxay awoodda badan ee  gantaallada  Xuutiyiinta heestaan, waxa uuna xusay in gantaalada kooxdan heestaan yihiin kuwa laga naxo oo halis badan leh.

“Annigu waxaan ahay injineer iyo fiisigiste, waxaanan ku dhex jiray gantaallada xirfadayda oo dhan…Waxa aan arkay waxa ay Xuutiyiinta sameeyeen lixdii bilood ee la soo dhaafay — waa wax aan dhab ahaantii ka naxay” ayuu yiri Bill LaPlante.

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta dalka Yemen ayaa taageero lixaad leh ka hesha dowladda Iran, waxa ay sidoo kale kooxdan heestaan injineero iyo khubaro u farsameeya hubka qaar, gaar ahaan gantaalada ay mararka qaar weerarada u adeegsadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahdi Guuleed ” Farmaajo Doorashada dhaceysa Sidii Galmudug iyo Hirshabelle ayuu ugu soo baxaa ‘!

Cabdi Cade

DAAWO:-Casho sharaf loo sameynayo Madaxweyne Geelle & Wafdigiisa oo Muqdisho ka socota

Caydiid Ali

Dil ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya

Cabdi Cade