Allbanaadir.com
NEWS

Joe Biden oo labo hoggaamiye kala hadlay walaac xooggan oo kusoo kordhay

Madaxweynaha xilka ka degaya ee dowladda Mareykanka Joe Biden, ayaa kulan gaar ah la qaatay hoggaamiyaasha dalalka Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, kuwaa oo ka qeyb galayay  shir-madaxeedka iskaashiga dhaqaalaha ee Aasiya iyo Baasifiga.

Joe Biden ayaana kala hadlay Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol iyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Shigeru Ishiba , walaac ay ka qabaan iskaashiga cusub ee dhax maraya dowladaha Ruushka iyo sidoo kale Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweyne Joe Biden, ayaa sheegay in  khatarta iyo iskaashiga ku dhisan xasillooni-darrida ee ka dhaxeeya Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka ay tahay mid laga walaaco, waxa uuna labada hoggaamiye uu la kulmay u sheegay in Mareykanka uu garabkooda taagan yahay.

Madaxda dalalka Kuuriyada Koonfureed iyo Japan , ayaa dhankooda sheegay in walaac ka qabaan iskaashiga Ruushka la sameenayo Kuuiyada Waqooyi, waxa ayna sheegeen in il gaar ah ku hayaan dhaq dhaqaaqyada Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden kulankan uu la qaatay hoggaamiyaasha dalalka Japan iyo Kuuriyada Koonfur ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay uu la qaato, xilli la filayo in bisha Janaayo ee sannadkan uu xilka ka dego Biden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maryan Max’uud Axmed oo caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Rasaas lagu furay Waalidiin ka banaan baxayay Caruurtooda oo Eritrea ku maqan (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay Kulankii RW Rooble & Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur?

Caydiid Ali