Ilhan Cumar oo dhawaan ku guuleesatay in ay kamid noqoto aqalka wakiilada ee Koongareeska dalka Mareykanka ayaa wada olole ay ku dooneyso in wax looga bedelo sharci mudo aad u dheer u degsanaa aqalka wakiillada Mareykanka.
Ololahan cusub ay wado Ilhan Cumar ayaa waxaa ku taageeray gabadha uu dhalay madaxweyne Donald Trump iyo sidoo kale Ururka ugu weyn ee u dooda Xaquuqda Muslimiinta Mareykanka.
Ilhan Cumar iyo xisbiga ee katirsan tahay ee Dimuquraadiga ayaa doonaya in wax laga bedelo sharci u degsanaa Aqalka Wakiilada mudo 181 sano, sharcigan ayaana diidaya in xubnaha kamidka ah golaha Wakiilada ay madaxa dabooshaan.
“Ma jirto cid igu khasbeysa inaan madaxeyga xijaab ku daboolo laakiin aniga ayaa doortay. Waa dookheyga – waana arrinta ugu horreysa ee isbaddalka lagu sameynayo” ayey ku sheegtay Qoraal ay Ilhaan Cumar baahisay.
Ururka u dooda Xaquuqda Muslimiinta dalka Mareykanka ayaa dhankooda taageero weyn u muujiyay ololahan ay qeybta ka tahay Ilhan Cumar, waxaana Ururka sheegtay in muhiim tahay in isbadal lagu sameeyo xeerkan kahor imaanaya diimaha .
“Waxaan taageereynaa dadaalka lagu doonayo isbaddalka xeerarka aqalka, waxaana soo dhaweyneynaa in golaha wakiillada uu noqdo meel si xornimo ah looga dhaqmo diimaha” ayuu yiri Nihad Awad oo ah agaasimaha guud ee ururkaas.
Olahan waxaa sidoo kale taageertay gabadah uu dhalay Madaxweynaha Dalka Mareykanka ee Ivanka Trump, waxa ayna sheegtay Ivanka in isbaddal sharci oo muhiim ah lagu sameyn doono aqalka Koongareeska.
Ilhan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo Muslim ah ayaa dooneysa in loo ogolaado in ay Madaxeeda daboolato iyada oo kamid ah Aqalka Wakiilada Mareykanka, waxaana ololaha Ilhan taageero muujiyay dhinacyo kala duwan.