Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo goordhaw Hargeysa ku geeriyooday

Waxaa goordhaw magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland, ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne hore Axmed Siilaanyo ayaa u geeriyooday xanuun mudooyinkii dambe hayay , waxaana geeridiisa xaqiijiyay xubno eheladiisa kamid ah.

Masuuliyiin, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida caawa ku timid Madaxweyne Siilaanyo, waxa ayna ku sifeeyeen hoggaamiye wax gal ahaa oo wax badan usoo qabtay bulshada Somaliland.

Geerida Madaxweyne hore Siilaanyo ayaa kusoo aadeysa xilli Somaliland 13kii bishan ka qabsoontay doorashada Madaxweynaha iyo tan xisbiyadda, waxaana la wada sugayaa natiijada doorasha dhacday.

Related posts

DFS oo ka mahadcelisay ansixinta mashruuc ay ku baxeyso 100 Milyan oo dollar

Cabdi Cade

Ciidamo badan oo loo diiday in ay soo galaan Gudaha Muqdisho & Cabsi wayn oo ka taagan Magaalada !!

admin

Guddoomiyihii Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida oo xilka laga qaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---