Israa’iil ayaa laga maqlay toddobaadyadii u dambeeyay si ka badan waqti kasta oo hore magaca Ruushka, iyagoo markaa doonaya inuu Ruushku ku caawiyo waxa ay doonayaan inay ka sameeyaan bariga dhexe.
Warbixintan ayaa macluumaad iyo fallanqeyn ka siinaysa jawaabaha su’aalaha arrintan la iska waydiiyay;
.Suragal ma tahay inuu Ruushku ka caawiyo Israa’iil qorshaheeda bariga dhexe?
.Ruushka ma oggolaanaya inuu door dhex dhexaadin ah ku yeesho dagaalka ay Israa’iil ka wado Lubnaan?
.Miyu ku qanci doona Ruushka qorshaha Israa’iil ee ah inuu xiro dhaqdhaqaaqa ka dhacaya Suuriya iyo xadka Lubnaan, si uu uga hortago hubka uga imaanaya Xisbullah dhinaca Suuriya?
Ugu horreyn Ruushka, waxaa muddo dheer kala dhaxeeya Israa’iil xiriir diblomaasiyadeed, waxayna Telaabiib ka mid tahay maamullo fara ku tiris ah oo aan waligood cambaareyn dagaalka uu Ruushka ka wado gudaha Ukraine, si la mid ah Ruushka ma soo jeedin hadallo ka dhan ah israa’iil inta uu socdo duullaanka Israa’iil ee marinka Qasa, mar kastana waxaa Putin laga maqlayay in xal loo helo xiisadda bariga dhexe, balse wuxuu muujiyay sida xalka uu ugu jiro in la helo dawlad Falastiin ah oo madax bannaan, tani waxay la xiriirta wuxuu Ruushka sidoo kale xiriir dhow la leeyahay dhammaan dhinacyada Falastiin ee marinka Qasa iyo Daanta Galbeed, waxayna Moscow martigelisay dhowr wareeg oo wada-hadallo uu ku raadinayay inay isku soo dhawaadaan dhinacyada Falastiiniyiinta si ay u raadinayaan dawlad loo dhanyahay oo ay yeeshaan dadka Falastiin.
Ka hor inta aanan guda gelin surtagalnimada uu Ruushka ku caawin karo Israa’iil, aan ku siiyo xaqiiqooyin caro geliyay Ruushka oo ay ku kacday Israa’iil;
Israa’iil ayaa isku muujisay inay doonayso inay la shaqeyso Ukraine, illaa bilowgii dagaalka socda saddexda sanno, si qarsoodi ah ayaa la sheegay inay Israa’iil ugu lug lahayd, iyadoo aan u bareereyn taageerrada Ukriane, taa oo u ilaalisay inay sii heysato xiriirka Ruushka. Balse waxaa jira dhacdooyin soo muujiyay in xiriirka Ruushka iyo israa’iil uusan ahayn mid wanaagsan.
Ruushka, waxaa la sheegay si hoose iyo hab la arki karaba inuu ula wadaagay Israa’iil, inay joojiso Mossad, hay’adda sirdoonka Israa’iil la shaqeynta Ukraine, tani waxay la xiriirtaa hadallada ka yimid dhinaca Ukriane.
“Sirdoonkayagu wuxuu si dhow ula shaqaynayaa sirdoonka Israa’iil,” Andriy Yermak, oo ah madaxa xafiiska Zelenskyy, ayaa hadalkan sheegay Mar 24, 2022, waa bil kaddib marka uu bilowday duullaanka Ruushka ee Ukriane, markaa wuxuu ahaa sarkaalkii u horreeyay ee Ukriane oo soo bandhigaya wada-shaqeynta ay la leeyihiin sirdoonka Israa’iil.
Toddobaadyo kaddib, isla bishaa madaxweynaha Ukriane, Volodymyr Zelensky ayaa si cad u sheegay laamaha sirdoonka Israa’iil iyo Ukraine inay billaabeen iskaashi ku dhisan wadaaga sirdoonka iyo iskaashiga difaac ee labada dal, isagoo ku sheegay iskaashigaa mid la arki karo.
Illaa waqtigaa wax walba way wanaagsanyihiin, balse marka ay wax xumaadeen waa markii la arkay howlgallo ka dhacay gudaha Ruushka oo lagu beegsaday saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Ruushka, dilalka ayaa u dhacay hab leh tixraaca howlgallada ay fuliso Mossad, mid ka mid ah dilalka caanka ah ee la aaminsanyahay inuu Ruushka si dadban ula xiriiriyay Mossad waa dilka mid ka mid ah saraakiisha ciidanka badda Ruushka, Stanislav Rzhitsky – xilli uu ka soo laabtay howlgallo uu ka fuliyay gudaha Ukriane. Dilka wuxuu dhacay 6 subaxnimo, maalin Arbaco ah 12 bishii July ee sannadkii 2023, waqtigaa oo sarkaalkan uu orod jimicsi ah ku sameynayay meel aan ka fogeyn garoonka Olympus Arena oo ku yaalla magaalada taariikhda iyo ganacsiga caanka ku ah ee Krasnodar oo ku taalla koonfurta Ruushka.
Howlgalka lagu dilay sarkaalkan , wuxuu ahaa mid gilgilay xarumaha sirdoonka Ruushka, wuxuu noqday dil ay liqi waayeen, illaa qaar ka mid ah saraakiisha Ruushka laga maqlay, in howlgalka uu ahaa mid ay ka qeybqaadatay Mossad oo taageerraysa Ukraine, markaa oo ay tixraaceen weerarro ay dibadda ka fulisay Mossad. Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa saacado kaddib dilka soo gudbisay warbixin ay ciwaan uga dhigtay in ‘wakiillada Ukraine ay raacayaan raadka Mossad’.Dilkan iyo howlgallo kale oo lagu beegsaday saraakiil militari, wuxuu Ruushka ku dhaliyay tuhunka in Mossad ay ballaarisay taageerrada ay Ukriane ku siinayso fulinta weerarradaa.
Markii uu qarxay dagaalkii Israa’iil iyo Xamaas bishii Oktoobar 2023, Ruushku wuxuu ku jiray dagaalka Ukriane , muddo sannad iyo bar ah, markaa oo dagaalka ay ku soo biireen xulafada NATO oo taageerray Ukriane oo ay xulafo la tahay Israa’iil, aragtidaa siyaasadeed waxay dhalisay inuu isbeddel ku yimaado xiriirka Ruushka iyo Israa’iil , iyadoo Moscow u aragto Israa’iil in ay qayb ka tahay xerada reer galbeedka , markaa oo Ruushka uu muujiyay inuu xoojiyay xiriirka uu la leeyahay ururka Xamaas, oo in ka badan saddex kulan ay saraakiisha Ruushka kula qaateen Moscow xubno sare oo ka tirsan Xamaas, illaa saraakiisha Ruushka laga maqlay inay la yaabeen nooca weerarkii ay Xamaas qaaday 7 Oktoober oo ay ku sheegeen inuu ahaa mid wax badan laga baran karo oo ku qasbaya habka taatikada xerooyinkooda tababar inay ku soo dari karaan sida loo qaadi karo loolana tacaali karo weerar la mid ah midka Xamaas, arrimahan ayaa ku dhaliyay inay Israa’iil bannaanka usoo baxdo iyadoo cambaareynaysa Ruushka, kaddib warsaxaafadeedyo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil oo lagu cambeereeyay kulan kasta oo Ruushka uu ku martiqaaday saraakiisha Xamaas.
𝗠𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯𝘁𝗮 𝗠𝗼𝘀𝘀𝗮𝗱 𝗶𝘀𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶 𝘂𝗹𝗮 𝘆𝗲𝗲𝗹𝗮𝗻𝗮𝘆𝘀𝗼 𝘀𝗶𝗿𝗱𝗼𝗼𝗻𝗸𝗮 𝗨𝗸𝗿𝗮𝗶𝗻𝗲?
Israa’iil iyo sirdoonkeeda ma ah ujeeddada in iskaashigooda Ukriane uu la xiriira taageerrada xulafadooda, ee Israa’iil waxay ka leedahay Ukriane iyo sirdoonkeeda dano muhiim ah, hadda Israa’iil oo isku muujinaysey awoodda tignoolajiyada iyo militariga bariga dhexe ayaa si dhaqso ah waxaa sumcadeeda ku burburiyay dhaqdhaqaaqyada iska caabinta ee ay taageerto Iran, kuwaasoo muddo kooban ku guuleystay inay fashiliyaan nidaamyadii difaaca Israa’iil ee Telaabiib ay ku muujinaysay kuwa ugu wanaagsan caalamka, dhibaatada ay wajahday Israa’iil ayaa ah xal u helida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maalin walba lagu weerarro gudaha Israa’iil illaa lagu qarxiyay guriga Netanyahu.
Israa’iil waxay u aragtaa inay ka heli karto Ukriane nidaamyada difaac iyo hababka suragelinaya inay iska difaacdo diyaaradaha dhaqdhaqaaqyada ay ku weerarrayaan, tan oo la xiriirta inay Ukriane ku guuleysatay horumarinta difaaceeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Bishii Oktoobar markii ay ahayd 10, sannadkan 2024, waxaa socdaal qarsoodi ah ku tagay Ukriane , saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka Israa’iil ee Mossad,kuwaasoo Kyiv kula kulmay xubno ka mid ah saraakiisha sirdoonka iyo militariga Ukriane, ujeeddadu waa inay hesho israa’iil tignoolajiyad iyo sir ka caawin karta sidii ay uga hortagi lahayd diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee u beddelay dhulka Israa’iil ay heysato mid u muuqda dhul laga barakacay,maaddama ay Ukraine iska caabiso diyaaraddo la mid ah kuwa Israa’iil ay ku dhib qabto ee Iran ay soo saarto, waxay doonaysa inay ka hesho sirta iska caabinta Ukraine, taa beddelkeeda waxay Israa’iil siinaysa sirdoonka Ukriane xog la xiriirta saraakiisha Ruushka,ganacsatada xiriirka la leh Putin ee saameynta ku leh siyaasadiisa iyo siro kale oo muhiimad u leh Ukriane, sida uu ay soo bandhigtay shabakadda ka warranta arrimaha militariga iyo sirdoonka ee Intelligence Online.
Ukriane waxaa la sheegay inay u ballanqaaday dhinaca Israa’iil inay ka caawin doonaan sidii ay uga hortagi lahayd diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee iska caabinta ay ku weerarto gudaha Israa’iil.
Iskaashiga hadda xoogeystay ee Israa’iil iyo Ukraine, waxay warbixintu sheegtay inay ka caraysiisay Ruushka oo hadda dhinaciisa doonaya inuu xoojiyo awoodda tignoolajiyada uu ka mid yahay dayax-gacmeedyada iyo nidaamyada lagu hago gantaallada iyo diyaaradaha oo uu siinayo ururka Xisbullah oo si joogta ah u weerarra Israa’iil iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen, xaaladana waxay fogeynaysa Ruushka oo u arkaya Israa’iil cadow la safan Ukraine.
Marka aan ka soo tagno xaqiiqooyinka kore, aan is waydiino suragal ma tahay inuu waqtigan Ruushka ku taageerro Israa’iil qorshaha ay ku ballaarisay dagaalka?
Madaxweynaha Ruushka wuxuu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan ballaarin dagaalka ee Israa’iil, isagoo markaa Putin ku baaqay in loo baahanyahay inay Israa’iil joojiso iskadayga ay dagaalka ugu rogeyso mid wada gaara bariga dhexe, wuxuuna Putin u diray Telaabiib wakiillo ka socda oo la sheegay inay Netanyahu la kulmo, maalmo kaddib markii duullaanka dhulka Israa’iil ay ka bilowday Lubnaan, sida laga soo xigtay wargeyska Times of isreal, wakiillada ka socda Putin waxay farriin ay ka sideen gaarsiiyeen Netanyahy, iyadoo farriinka lagu sheegay inuu Ruushka ka soo horjeedo ballaarinta dagaalka ee Israa’iil.
𝗪𝗮𝗾𝘁𝗶𝗴𝗮𝗻 𝗺𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗜𝘀𝗿𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗹 𝘂𝗴𝘂 𝗰𝗲𝗹𝗰𝗲𝗹𝗶𝗻𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗰𝗮 ‘𝗥𝘂𝘂𝘀𝗵𝗸𝗮’?
Toddobaadyadii u dambeeyay, israa’iil ayaa sare u qaaday inay sheegto magaca Ruushka, iyagoo usoo jeedinaya inuu Ruushka gacan ka siiyo sidii wada xaajood loola geli lahaa Xisbullah iyo in Ruushka uu gacan ka siiyo Israa’iil joojinta saadka iyo hubka uga imaanaya Xisbullah dhinaca Suuriya oo Ruushka uu saldhigyo ku leeyahay.
Afhayeenka Kremlin ,Dmitry Peskov ayaa Jicmihii toddobaadkii hore oo wariyayaasha ay waydiiyeen su’aal la xiriirta baaqa uga imaanaya dhinaca Israa’iil, wuxuu sheegay inuu Ruushka diyaar u yahay inuu door ku yeesho joojinta dagaalka iyo wada xaajoodyada, balse wuxuu ku xiray shuruud taa oo ah in dhinacyada ay marka hore diyaar u noqdaan wada-xaajoodyo dhab ah, illaa inta uu Ruushka taa ka arkayana, wuxuu caddeeyay inuusan lug ku yeelan doonin.
Dhankiisa, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u jooga Suuriya, Alexander Lavrentiev ayaa hadal uu warbaahinta siiyay Arbacadii wuxuu sheegay inaysan waxba ka jirin wararka ay baahinayaan warbaahinta Israa’iil ee la xiriira inuu Ruushka qaadanayo door dhex dhexaadin ah , si loo joojiyo dagaalka Lubnaan, waxaa kalo uu si cad u sheegay in joogitaanka ciidanka Ruushka ee dhulka Suuriya inaysan shaqadooda ahayn inay joojiyaan waxyaabaha u socda Lubnaan, isagoo markaa ka jawaabayay baaqa Israa’iil ay ku dalbanaysay inay ciidanka Ruushka ka caawiyaan sidii loo joojin lahaa saadka iyo hubka Xisbullah uga imaanaya dhinaca Suuriya, iyagoo ku marmarsiyoonaya in tallaabada ay ka dhalanayso inay Xisbullah oggolaato heshiis.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay doonayso in heshiis loo beddelo waxa iyada dan uga jira, xaalad nooca ahna uusan dooneyn Ruushka inuu ku lug yeesho, maaddama heshiiska ay dooneyso Israa’iil uu si weyn u wiiqayo awoodda Xisbullah. Ergayga Putin ee Suuriya, sidoo kale wuxuu ka hadlay duqeyn ka dhacday meel aan ka fogeyn saldhigga ciidanka Ruushka uu ku leeyahay Suuriya oo ay fuliyeen diyaaradaha Israa’iil, wuxuu sheegay weerarkaa inaysan waxba gaarsiin saldhigga ayna siiyeen Israa’iil diginiin ah inaysan mar kale sidan oo kale sameyn, waxaa kalo uu caddeeyay khasaare kasta oo gaara ciidanka Ruushka iyo saldhigyada ay ku leeyihiin Suuriya inay ka dhalanayso cawaaqib xun oo gaaraya Israa’iil.
Hadalladan kaddib, sidoo kale waxaa la arkay toddobaadkii hore in illaa saddex xarumood inay ciidanka Ruushka ka sameysteen meel aan ka fogeyn xadka dhulka Suuriya iyo buuraha ay Israa’iil ka qabsatay Suuriya ee Golan Heights, dhaqdhaqaaqa oo loo qaatay mid uu Ruushka uga hortagayo iskudayga ay billaabeen ciidanka Israa’iil inay gudaha usoo galaan dhulka Suuriya.
Hadallada saraakiisha sare ee Ruushka iyo marxaladda waqtigan oo la arkayo in xiriirka Ruushka iyo Iran oo taageerta dhaqdhaqaaqayada bariga dhexe ee ay la dagaallamayso Israa’iil uu wanaagsanyahay, waxay ina siinayaan tilmaamaha inaysan jirin wax taageerro ah oo Israa’iil ay ka heli karto Ruushka siu u u joojiyo saadka uga imaanaya Xisbullah dhinaca Suuriya, inta uu saadkaa socdana waxaa loo arka inaysan marna Xisbullah qaadan doonin heshiis doonisteeda aysan ku jirin.
Warbixinteenna ayaan intaan ku soo gabagabeynaya, waxaan idin kaga tagaya fikradiihana , waad ku soo bandhigi kartid qeybta falcelinta.
W/Q Iman Jama