Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay Doorashadii ka dhacday Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS , ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku bogaadisay hannaanka dimoqoraadiga iyo amnigaba leh ee shacabka gobolada Waqooyi ee Soomaliland ku doorteen hoggaanka maamulka iyo xisbiyada.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya , ayaa lagu sheegay in qaabka ay u qabsoomeen doorashooyinka maamulka Somaliland  ay ka muuqdeen waayo-aragnimo , isku duqaad iyo biseyl siyaasadeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay baahinta dimuquraadiyada dalka iyo awoodsiinta shacabka , si shacabka Soomaaliyeed u galaan doorasho qof iyo cod ah , oo dowladda sheegtay in horseedeyso horumar iyo barwaaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Safaarada Ruushka ku leedahay Kabul

Cabdi Cade

Mid kamid Odayaashii soo doortay Mahad Salaad oo Muqdisho lagu dilay

Cabdi Cade

Dacwad ka dhan ah Farmaajo oo la diyaarinayo iyo Dambiyada loo heesto oo la shaaciyay

Cabdi Cade