Allbanaadir.com
NEWS

Danjiraha Somalia oo Madaxweyne João Manuel ku wareejiyey..

Madaxweynaha Dalka Angola João Manuel Gonçalves Lourenço ayaa warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Isaaq,kaas oo fadhigiisu noqon doono caasimadda Luanda ee dalkaasi.

Kulankii qaabilaadda kadib waxaa labada dhinac ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal,gaar ahaan arrimaha  siyaasadda,dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Safiirka cusub ee Soomaaliya waxaa mudadii ay socotay xafladda gudbinta waraaqaha aqoonsiga uu sallaan uu ka sidday madaxweyne Xasan Sheekh uu gaarsiiyay madaxweynaha Angola João Lourenço.

Safiika Soomaaliya Maxamed Sheekh Isaa ayaa lafilayaa in saacadaha soo socda uu la kulmo jaaliyadda Soomalida ee ku dhaqan dalkaasi si uu ugu gudbiyo waxqabadka dowladda iyo horumaradii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

(Daawo Sawirro) Maxkamad Xabsi ku xukuntay Mid ka mid ah fanaaniinta ugu caansan Soomaalida

Caydiid Ali

Weerar dad badan lagu dilay oo lagu qaaday Guri kuyaala Muqdisho

Caydiid Ali

Faahfaahin laga bixiyey shaqaaqo dhimasho geysatay oo ka dhacday Laascaanod

Caydiid Ali