Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo hirgelineysa nidaamka digniinta deg dega ah

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Soomaaliya, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa ka hadashay madasha UNCC ee COP29, iyadoo iftiimisay muhiimadda ay leedahay xoojinta nidaamyada digniinta deg degga ah si Soomaaliya ay uga sii gaashaamato saameynta isbedelka cimilada.

Wasiirka ayaa tilmaantay dadaalka dowladda ee dhismaha nidaam isku dhafan oo siiya bulshada macluumaad sax ah oo waqtigeeda ku habboon, si loo yareeyo saamaynta fatahaadaha iyo abaaraha soo noqnoqda ee dalka ka jira.

Wasiir Khadiija ayaa xustay in adeegsiga saadaasha cimilada heer qaran uu kaalin muhiim ah ka qaadanayo ilaalinta bulshada iyo wax ka qabashada caqabadaha cimilada.

Nidaamkan digniinta deg degga ah ayaa ah mid isku xira xogta deegaanka iyo aqoonta bulshada, taas oo suuragelinaysa in digniinaha lagu gaarsiiyo dadweynaha meel kasta oo ay joogaan, iyadoo la adeegsanayo aalado sahlan sida moobilka iyo raadiyaha.

Gebagebadii, Wasiirka ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay taageeraan dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta nidaamyada digniinta deg-degga ah, iyada oo ku adkeysatay in maalgashiga nidaamyadan uu horseedi doono bulshada Soomaaliyeed oo leh adkeysi iyo badbaado sare.

Related posts

Sudan oo si buuxda Ula wareegtay dhul ay ka heestay Itoobiya iyo xiisad taagan

Cabdi Cade

Golaha Wasiirrada maamulka Puntland oo maanta Go’aano xasaasi soo saaray

Cabdi Cade

Jeneraal Odawaa iyo Jeneraal Biixi oo laga wareejiyay xilalkii ay hayeen (Sawirro)

Cabdi Cade