Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ka bad baaday qarax gaarigiisa loogu soo xiray oo la doonayay in lagu khaarijiyo.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in qaraxii maanta lala eegtay uu ahaa mid ay soo maleegeen Al Shabaab, waxa uuna xusay in ay jiri karto dad kale oo qaraxaasi wax ka maleegay .
“Marar badan ayan ka badbaaday shirqoollada cadawga Shabaab laakin kan maanta ee qaraxa gaarigeyga laygu xiray laga yaabee Qorsheynta inuu Cadawga yeesho, hasayeeshee waa lagala qeyb qaatay ciddey doontaba ha noqotee oo waa loo fududeeyay sida muuqata kamana hordhacayo baaritaanka.” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.
Xildhibaanka ayaa sheegay in uu ka dhursugayo baaritaanada laamaha amaanka ku sameenayaan qaraxa maanta lala eegtay, waxa uuna cadeeyay in uusan ka tanaasuli doonin mowqifkiisa iyo u shaqeynta Qaranka Soomaaliya.
Laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin qaraxan maanta gaarigiisa loogu soo xiray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, waxaana dad badan isweediinayaan sida ay ku fududaatay in qarax lagu xiro gaari ay xili walbo la socdaan ilaalo gaar ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com