Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Diyano oo shir deg deg ah la qaatay Saraakiisha amniga

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir degdeg ah la yeeshay Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Baanadir Macalin Mahdi, dhammaan taliyeyaasha saldhigyada iyo kuwa qeybaha, kaas oo looga hadlay xaalada amni ee Muqdisho.

Taliye Asad ayaa saraakishan ku adkeeyay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan maxaabiista, iyagoo ilaalinaya xuquuqda muwaadinimo, islamarkaana aysan ku xadgudbin, iyagoo xoogga saaraya habdhaqan wanaagsan oo bulshada lagu kasban karo, iyo sugidda amniga maadaama ay yihiin saaxiibka bulshada.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc cusub oo lagu dhisayo sheybaar casri ah oo uu yeelan doono Isbitaalka Madiina, kaas oo ka mid ah xarumaha caafimaad ee danta guud ee bixiya adeegyo muhiim ah oo bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska iyo maamulka Isbitaalka,  ayaa booqday qeybaha kala duwan ee isbitaalka Madiina, isagoo shaqalaaha iyo maamulka ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan.

Related posts

Hirshabelle oo yeelaneysa dekad iyo Garoon si casri ah loo dhisayo

Cabdi Cade

Kursi loo diiday in uu u tartamo Siyaasi Caan ah oo doorashadiisa la hakiyay (Akhriso)

Cabdi Cade

Maraykanka oo liiska madow ku daray shirkad caan ah oo Israel laga leeyahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---