Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka ATMIS ka baxay saldhig muhiim ah (Sawirro)

ATMIS ayaa si rasmi ah ugu wareejisay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Saldhigii hore ee Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Buurgaabo.

Taliyaha ciidamada ATMIS Injineer, Col. Suleymaan Ibraahim ayaa u xaqiijiyey taageeradooda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin marka ay la wareegayaan mas’uuliyadda amniga.

Wuxuu ku ammaanay qeybta labaad ee ATMIS ee ka socda ciidamada Kenya sida nafhurnimada iyo iskaashiga ay la leeyihiin ciidanka xoogga dalka si loo xaqiijiyo nabadda & xasilloonida Jubaland.

Guddoomiyaha degmada Badhaadhe, Gen. Maxamed Ibraahim Faarax, ayaa bogaadiyay sida ay uga go’an tahay ciidanka Kenya inay xasiliso gobolka, wuxuuna ku dhiirigeliyay xoogga dalka inay sii xoojiyaan guulahaas.

Xafladda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku xigeenka ATMIS Sector Two Col. Meshack Kishoyian, Taliyaha FOB ee xilka ka degaya Maj. Charles Kaara, Taliyaha FOB ee xilka la wareegaya Maj. Muktar Mohamed, iyo wakiilo ka socday ATMIS, XDS & UNSOS.

Related posts

Buundo cusub oo laga hirgelinayo Muqdisho & Madaale oo dhagax dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dabkii ka kacay isgoyska Benaadir oo sii xoogeystay iyo gurmad soconaya (Sawirro)

Caydiid Ali

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo wuxuu si qasab ah ku qaatay Guuldaradiisa!!

Caydiid Ali
Taboola Ads ---