Guddiga doorashada Somaliland ayaa ku dhawaaqay in sanaadiiqda cododka la geeyay degmooyinka lana soo gagabeeyay tirinta cododka ee goobihii laga dhiibtay, iyagoo sheegay natiijada kama dambeysta ah inuu guddiga shaacinayo oo la sugo.
Guddiga ayaa ka digaya natiijooyin aan sugneyn kana soo bixin iyagoo lagu baahinayo baraha bulshada.
Muuse Xasan Guddoomiyaha guddiga ayaa ku baaqay in dadku ay is dejiyaan kana war sugaan natiijada doorashooyinka oo ay guddigu soo saari doonaan marka la dhameystiro tirinta codadka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA EE HAB-RAACA NATIIJADA LOOGU DHAWAAQAYO