Allbanaadir.com
NEWS

Haitam bin Tariq oo warqadaha ka gudoomay Safiirka Somalia

Boqorka Saldanada Dalka Cumaan Suldan Haitham bin Tariq Al-Said ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalkaas mudane Bashiir Xasan Xaaji.

Danjiraha cusub ayaa ugu horeeyn Boqorka wadankaas gaarsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud

Waxaa boqorka wadankaas la wadaagay inuu sii xoojin doono xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo sidii la isaga iskaashan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga labada dal.

Cumaan ayaa taageeraya dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan nabadgelyada, iyo sidoo kale taageerada Soomaaliya ee dalalka Carabta. Sidoo kale, Cumaan wuxuu ka mid yahay dalalka Carabta ee ka qeyb qaatay taageerada Soomaaliya xilliyada kala duwan ee dhibaatooyinka siyaasadeed iyo dagaallada.

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii Kismaayo & Maamulka Jubbaland oo War ka soo saaray

Caydiid Ali

RW Rooble oo Masuuliyiin iyo dadweyne kula tukaday Masjidka Shuhadaa (Sawirro)

Caydiid Ali

Calanka Midowga Africa ee suran Muqdisho iyo xarumo kale oo hoos loo dhigayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---