Allbanaadir.com
NEWS

Ma dhab baa in Iran ay hub kiimiko ah siisay Xisbullah

Wargeyska midigta fog ee Jarmalka ka soo baxa Bild, ayaa ku warramay inay Iran ku wareejisay ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen hub kiimiko ah oo awood badan.

Hubkan ayaa marka lagu xiro madaxyada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn geysan kara khasaare nafeed iyo mid deegaan.

Weerarrada loo adeegsado kiimikada, waxaa loo arkaa xaalad khatar ah oo ku dhalin kara Iran, haddii la arko kooxahan inay adeegsadaan waxay la kulmi kartaa duullaan caalami ah oo uga yimaada reer galbeedka, sabab la xiriira haddii Xuutiyiinta ama Xisbullah ay ku weerarraan Israa’iil gantaallada iyo diyaaradaha lagu xiray madaxyo kiimiko ah.

Hadii arrintan ay dhab tahay waxay Israa’iil la kulmi kartaa khasaare dhimasho oo aysan horey u arag, maaddama kiimikada ay xataa dhulka u beddelayso meel lama deggaan ah.

Ma jirto wax falcelin ah oo ka timid Iran, oo looga hadlay warbixinta uu soo bandhigay wargeyskan Jarmalka ah ee Bild, balse warbixinta ayaa ku soo aaday xili sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Xuutiyiinta Yemen uu maanta sheegay inay diyaarinayaan hab dagaal cusub oo ay uga hortagayaan Israa’iil, isagoo ku hanjabay in weerarrada ay qorsheynayaan ay ka dhalin doonaan gudaha Israa’iil khasaare aysan horey u arag.

 

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay magacaabista Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada Galmudug

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo beenisay Warar saacadihii la soo dhaafay qabsaday baraha Bulshada

Caydiid Ali

Turkiga oo Amray in lasoo xiro Xag-jirka weyn Rasmus Paludan iyo 8-qof oo kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---