Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo ka hadashay halis kusoo wajahan jiritaanka nolosha Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb. Khadija Mohamed Almakhzoumi, ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay madasha IOM ee Shirweynaha #COP29, iyadoo iftiimisay saameynta isbeddelka cimilada iyo waxyeelada ay ku leedahay dhalinyarada iyo bulshada u nugul ee caalamka.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeysay in isbeddelka cimiladu yahay dhibaato halis ku ah jiritaanka nolosha Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, maadaama ay sabab u tahay barakaca, kororka magaalooyinka, yaraanta biyaha, amni xumo dhinaca cuntada, iyo qalalaase aan la xakamayn karin.

Wasiir Khadija ayaa tilmaantay in ay muhiim tahay in si wadajir ah oo degdeg ah loo wajaho dhibaatooyinkaasi. Waxa kale oo ay xustay in saameynta ugu daran ee cimilada ay ku dhacdo dhalinyarada, dhanka waxbarashadooda, adeegyada aasaasiga ah, fursadaha shaqo, iyo guud ahaan yoolalka horumarineed ee caalamka (SDGs).

Wasiirka ayaa ugu baaqday hogaamiyeyaasha, siyaasiyiinta, iyo hay’adaha inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa awoodda dhalinyarada si ay uga qayb qaataan xallinta caqabadaha cimilada. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya waxay ka go’an inay ka dhigto codka dhalinyarada qayb muhiim ah oo ka mid ah dadaalladeeda isbeddelka cimilada iyo horumarka waara, iyadoo dhalinyarada loo aqoonsanayo inay yihiin awood wax ka tari karta mustaqbalka dalka iyo caalamka.

Related posts

Trump oo balan-qaad yaab leh u sameeyey Israa’iil haddii dib loo soo doorto

Caydiid Ali

Xukun Dil ah oo maanta lagu riday ninkii dilay Korneel Maxamuud Cali Xade

Cabdi Cade

Warar cusub oo ka soo kordhay dagaalka Sudan iyo qax ka socda Khartuum (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---