Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo tagaya Garoowe iyo Isbaheysi cusub oo la dhisayo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, halkaas uu kulamo kula yeelan doono Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo muddooyinkii lasoo dhaafay kala aragti duwanaayeen.

Axmed Madoobe ayaa mar kale taageero ka raadinaya Madaxweynaha Puntland oo garab istaag u muujiyay xilligii dowladii Farmaajo uu khilaafka kala dhaxeeyay, waxa uuna Axmed Madoobe u muuqdaa mar kale mid aan ka maarmin garabka Puntland.

Labada masuul ayaana kawada hadli doona arrimo badan oo xasaasi ah xilligan , waxaana la filayaa marka ay isku soo dhawaadaan iskana xaalmariyaan waxii horey u dhacay in ay dhistaan isbaheysi cusub oo ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan garab istaag iyo taageero u muujiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka baxay shirkii Golaga Wadatashiga Qaran kuna dhawaaqay in uu qabsanayo doorasho madaxbannaan.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo saaxiibo ahaa ayaa kala tagay markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaddib markii Madaxweynaha xilka Ra’isul Wasaaraha siiyay Xamse Barre uu watay Axmed Madoobe, taa oo u cuntami weysay Madaxweyne Siciid Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo maanta furay Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Cabdi Cade

DEG DEG: Liiska Golaha wasiirada cusub ee Puntland oo goor dhow la shaaciyey

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka hadlay isfaham la’aanta dowlada dhexe & dowlad goboleedyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---