Nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa isku qarxiyay meel ku dhaw xarunta maxkamadda sare ee Brazil oo ku taal caasimadda Brasilia , waxa uuna weerarkan qal qal badan ka abuuray caasimadda Brazil.
Booliiska Brazil ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay kaliya ninkii isku soo xiray, waxa ayna sheegeen in uu socdo baaritaano la xariira qaraxa iyo ninkii ka dambeeyay waxa uu ahaa.
Ninkaan ayaa meydkiisa laga helay banaanka dhismaha wax yar kadib markii labo qarax ay ka dhaceen aaggaasi. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay arkayeen ninkan oo tuurayay wax u muuqday walxaha qarxa ka hor inta uusan qarxin. Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay dhacdadan, sida ay saraakiishu sheegeen.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa la xiray, waxaana loo adeegsaday Robot-ka bambooyinka tuura oo lagu baaray meydka ninkaasi. Booliisku waxay sheegeen in la adkeeyay ammaanka aagga ay qaraxyada ka dhaceen.