Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo heshiis muhiim ah la gashay Hay’ad Caalami ah

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Amb Khadija Al-Makhzoumi, ayaa maanta heshiis la saxiixatay hay’adda Global Center for Climate Mobility. Heshiiskan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumar waara oo adkaysi leh oo Soomaaliya ku habboon.

Iskaashigan cusub wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa awood siinta bulshooyinka u nugul deegaanka, iyadoo la hubinayo badbaadada iyo wax ku oolnimada istaraatiijiyadda la qabsiga isbeddelka cimilada ee dalkeenna Soomaaliya.

Ujeedada heshiiska dowladda Soomaaliya la gashay hay’adda Global Center for Climate Mobility, ayaa ah in la maalgelin doono mashaariic gaar ah oo ka turjumaya baahiyaha dadka, isla markaana lagu xoojinayo maamulka maxalliga ah si loo dhiso kalsooni iyo iskaashi bulsho oo xooggan.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, ayaa muddooyinkan wadat dedaalo wax looga qabanayo isbedelka cimilada, waxa ayna Wasaaradda heshiisyo kala duwan la gashay hay’ado iyo dowlado Soomaaliya ka caawinaya kahortaga isbedelka cimilada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo qaaday tallaabooyin si weyn uga careesiiyay dowladda Ukraine

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Kheyre iyo masuuliyiin kale oo kusii jeeda Dhuusomareeb xili halkaasi ay…

Cabdi Cade

Aroosad halis gashay oo go’aansatay in xaflada arooskeeda uu sii socdo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---