Allbanaadir.com
NEWS

Tirinta codadka doorashada Somaliland oo bilaabatay

Tirinta codadka doorashada Somaliland ayaa bilaabatay bacdal makhrib, balse natiijada rasmiga ah waxa ay qaadanaysaa in lagu dhawaaqo mudda todobaad ah, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Maamulkaasi.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland, Muuse Xasan Xaaji ayaa sheegay in natiijada degmo iyo goob kasta oo codka laga dhiibtay ay ku soo baxayso laba maalin gudahood.

“Marka natiijada degmo ay soo baxdo waxaa loo gudbinayaa heer gobol kadiba ilaa xarunta dhexe ee guddiga. Guud ahaan isu gaynta natiijooyinkaas kala duwan ee heer goobeed, heer degmo iyo heer gobol, waxay qaadan doonaan toddobo cisho,”ayuu yiri guddoomiye Muuse.

Madaxweynaha xilka haya ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxaa doorashada Madaxtooyada kula tartamaya musharraxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Musharraxa Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe.

Doorashada Ururrada waxaa iyana ku tartamaya saddexdooda xisbi iyo todoba urur oo kale kuwaasi oo guud ahaan ku tartamaya in ay u soo baxaan saddexda xisbi ee Somaliland yeelanayso tobanka sanno ee soo socota.

 

Related posts

Qoyska George Flyod oo magdhaw loo siinayo lacag gaareysa 27 Million oo doolar

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Rabshadihii ugu xumaa Muddo sanado ah oo ka socda Paris

Caydiid Ali

Xaaf oo Wasiir cusub ku kordhiyey Maamulka Galmudug (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---