Nin u dhashay dalka Iran oo horaantii sannadkan ka badbaaday xukun dil ah oo lagu fulin lahaa, ayaa ugu dambeyn la xaqiijiyay in la daldalay, kaddib markii ninkan qoyskiisa ay awoodi waayeen in ay bixiyaan magta qof uu horey u dilay.
Ahmad Alizadeh, ayaa horaantii sannadkan la geeyay tiirkii lagu toogan lahaa, hasa ahaatee iyada oo kaliya 30-ilbiriqsi ka harsan tahay xilligii la dili lahaa ayaa qoyska qofkii uu ninkan horey u dilay ku dhawaaqeen in ay cafiyeen ayna qaadanayaan mag.
Ninkan ayaana laga fur furay tiirkii lagu xiray, waxaana dib loogu celiyay xabsigii uu ku xirnaa, hasa ahaatee qoyska ninkan dilka geestay ayey ku adkaatay in ay bixiyaan lacagta magta ah ee laga doonayay ayna horey ugu heshiiyeen labada qoys.
Ugu dambeyn Ahmad Alizadeh ayaa la geeyay mar kale tiirka halkaas oo la sheegay in lagu daldalay , waxaana dilkiisa warbaahinta u xaqiijiyay Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka Iran, kuwaa oo dilkaasi ku tilmaamay mid ada looga naxo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com