Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo xil ka qaadis ku sameysay Masuul wax ka sheegay Madaxweyne Xasan

Wareegto goordhaw kasoo baxday Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadam Macallin , ayaa shaqada looga joojiyya maareeyihii kumeel gaarka ahaa ee Hay’adda dhowrista xogta Maxamed Axmed Cali (Royal).

Wasiirka ayaa wareegtada uu soo saaray ku sheegay in sababaha shaqada looga joojiyay Maxamed Royal ay tahay in uu ku kacay falal curyaaminaya habsami u socodja howlaha hay’adda, sidoo kale ku kacay falal ka baxsan hab-dhaqanka saraakiisha sar sare ee dowladda.

Maareeyaha shaqada laga joojiyay ayaa maalmihii lasoo dhaafay baraha uu bulshada ku leeyahay kusoo qorayay qoraalo uu ku dhaliilayay hab-maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh , uu horey uga mid ahaa dadkii u ololeeyay aadkana ugu dhawaa.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadam Macallin, ayaa Daa’uud Cabdi Xuseen oo horey kuxigeen ugu ahaa Maxamed Royan hadda u magacaabya kusimaha maareeyaha KMG ee Hay’adda dhowrista xogta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duleedka Magaalada Wajeer

Caydiid Ali

Maxaa Keenay Safarka Deg Deg Ah Ee Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Ku Yimid Muqdisho?

Cabdi Cade

Sayid-Cali Macalin Da’ud oo mar kale la hor keenay Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---