Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Shir muhiim ah uga qeyb galay Nairobi

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qayb galay shirka 18-aad ee Guddoomiyayaasha Baarlamaaannada Dowladaha Bulshada Bariga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya.

Guddoomiyaha oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiimadda ay Soomaaliya u leeyahay ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afirka, iyo kaalinta ay ka gaysan karto horumarka dhinaca dhaqaalaha, iskaashiga Ganacsiga, Nabadda iyo horumarinta Bulshada,

Sidoo kale guddoomiyuhu, wuxuu xusay in Ururkan uu tusaale wanaagsan u yahay dhammaan dowladaha Afrika ayna ku dhiirigelinayso in Afrika oo idil ay iskaashato, islamarkaana ay samaysato midow ay u dhanyihiin dowladahaas, taas oo faa’iido wayn u ah dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo in ay iska kaashadaan soo saarka khayraadka dihan ee dhaxyaal dhulka Afrika.

Shirka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Cabdinaasir Ibraahim Guuleed oo ka qayb galay shirka Xoghayayaaash Guud ee Baarlamaannada Ururka Bulshada Bariga Afrika oo isna ka furmay magaalada Nairobi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta damaciisa kasoo horjeeda

Cabdi Cade

Booliis Sabab u noqday geerida haweeney 95-sanno jir aheyd iyo qeylo dhaan ka dhalatay

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo taageero u muujiyey shacabka falastiin, reer galbeedkana ku eedeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---