Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka cusub doorashada ka socota Somaliland? (Sawirro)

Doorasho is huwan oo si weyn isha loogu hayo ayaa Somaliland ka socota taasoo ay codkooda ka dhiibanayaan  dadweyne fara badan

Madaxtooyada waxaa ku tartamaya madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi oo markii labaad doonaya inuu xilka qabto kana socda Xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo ah musharrax Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo isna xisbigiisa Ucid uu yahay mucaarad.

Saddexdaas xisbi ee u cararaya madaxtooyada iyo ilaa toddobo urur siyaasadeed oo kale ayaa iyaguna ku tartamaya sidii ay uga mid noqon lahaayeen saddexda xisbi ee la doonaya in ay ka soo baxaan doorashadaan Xisbiyada si ay sal ugu noqdaan jaangooynta arrimaha Somaliland.

Sida qorshuhu yahay lixda maqribnimo ee maanta ayaa lagu wadaa in ay soo xirmaan goobaha codbixinta. Wixii intaa ka dambeeya waxaa bilaabanaya oo laguda galayaa tirinta codadka sida guddiga doorashadu uu sheegay.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in natiijada degmo iyo goob kasta oo codka laga dhiibtay ay ku soo baxaysaa laba maalin gudahood.

Marka natiijada degmado ay soo baxdo waxaa loo gudbinayaa heer gobol kadiba ilaa xaruunta dhexe ee guddiga.

“Guud ahaan isu gaynta natiijooyinkaas kala duwan ee heer goobeed, heer degmo iyo heer gobol, waxay qaadan doonaan toddobo cisho,”ayuu yiri guddoomiye Muuse.

Murashaxiinta madaxweynimo ee tartamaya oo hadlay ayaa muujiyay in ay aqbalayaan marka ay soo baxdo natiijada doorashada

Korjoogtada caalamiga ah ee komermeeraya doorashada Somaliland ayaa waxaa hoggaaminayo Ra’isul Wasaarihii hore ee Lesotho, Dr. Moeketsi Majoro. Waxaana wafdiga ka mid ah:

  1. Xildhibaan Dr. Mark Burke oo ah xildhibaan Baarlamaanka dalka Koonfur Afrika;
  2. Atupele Muluzi oo ah wasiir hore dalka Malawi (haddana ah hoggaamiye mucaarad);
  3. Erastus Mwencha, oo ah ku xigeen hore guddoonka Midowga Afrika (haatana ka socda Kenya);
  4. Xildhibaan Edwin Sifuna, oo ka tirsan xibiga ODM ee Kenya (xisbiga Raila Odinga);
  5. Dr. Karin von Hippel, agaasimaha guud ee machadka RUSI ee dalka Germany;
  6. Matt Bryden, agaasimaha machadka SAHAN, Canada;
  7. Gaashaanle Sare Robert Thomson, oo ka hawlgabay ciidamada dalka UK;
  8. Tendai Biti, wasiirkii hore maaliyadda dalka Zimbabwe;
  9. Zenzele Mfayela, oo katirsan xisbiga mucaaradka Inkatha Freedom Party, dalka Koonfur Africa

Sidoo kale safiirada dalalka Yurub u fadhiya Somalia ayaa goob joog ka ah doorashada Somaliland.

Related posts

Ciidamada dowladda oo howlgal culus kawada deegaan ay shalay la wareegeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxtooyada Somalia oo bilowday qorshe yaab leh iyo qaraxii ka dhacay Tixsiile oo..

Caydiid Ali

Rooble oo Warbixin siiyey Xassan Shiikh ka dib safarkii Imaaraadka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---