Elon Musk, oo ah ninka ugu qanisan ama ugu taajirsan addunka, ayaa waxaa la siiyay shaqo jago sare ah, kadib markii uu garab istaag weyn u muujiyay Donald Trump, xiligii ololahiisa doorashada madaxtinimo.
Ninkan oo ah mulkiilaha baraha X, Tesla iyo SpaceX, ayaa hogaamin doona wax cusub oo ah “waaxda hufnaanta iyo isla xisaabtanka dowladda”, waaxdaas oo bixin doonta talo iyo tusaale la xirriirta dhimista ama hoos u dhigidda kharashaadka dowladda iyo xeerarka
Ilaa hadda wax faahfaahin dheeraad ah lagama bixin qaabka ay u shaqeyn doonto waaxdan cusub balse waxay u muuqataa inay ka madax banaanaan doonto waaxyada kale ee dowladda ee caadiga ah.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inay waaxdani ka shaqeyn doonto “tala bixin” ka baxsan dowladda, balse kaashanaya aqalka cad iyo xafiiska maamulkaa miisaaniyadda.