Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo xasuuq hor leh ka geysatay Gaza & Beirut (Sawirro)

Ciidamada Israa’iil ayaa duqaymo dhanka cirka ah ku garaacay shalay magaalada caasimadda ah ee Beyruut ee ku taal koonfurta dalkaasi, halkaasoo ugu yaraan 33 qof ay ku dishay.

Duqeymihi shalay ee Beyrut ayaa lagu sheegay kuwi ugu cuslaa oo ay Isra’il maalin cad ku beegsato meelaha ay Xisbullah ka taliso ee dalka Lubanan.

Isra’il waxay sheegtay in ay garaacday bartilmaameedyo ay Xisbullah ku leeyihiin deegaanka Daaxiya ee magaalada Beyrut. War ay goor danbe oo shalay ah soo saartay ayay ku sheegtay in ay burburisay inta badan baqaarrada hubka ee Xisbullah.

Dhanka kale, Xisbullah ayaa iyaduna madaafiic ku garaacday waqooyiga Isra’il. Laba qof ayaa ku dhintay kaddib marki uu madfac ku dhacay xaafado la deganyahay oo ka tirsan magaalada Nahaariya ee waqooyiga Isra’il.

Xisbullah ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi. Waxay sheegtay inay weerarka uu ku wajahnaa saldhig millatari oo ku yaalla bariga Nahaariya.

Millatariga Isra’il waxay sheegeen in dadka Israa’iiliyiinta ah ee ku nool waqooyiga lagu qasbay in ay gabbaad raadsadaan kaddib marki diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Xisbullah ay weerar ku qaadeen aaggaasi Talaadadi shalay. Isra’il waxay sheegtay in duqeymahaasi aysan cidna wax ku noqon.

Dhinaca kale, Duqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa ugu yaraan 46 qof ku dilay Marinka Qaza kuwaasoo ay ku jiraan 11 ka mid ah oo ku dhintay maqaaxi ku meel gaar ah oo ku taal aagga bini’aadantinimo ee ay Israa’iil ku dhawaaqday.

Duqeymihii ugu dambeeyay ayaa ku soo aaday iyadoo Mareykanka uu sheegay in uusan dhimi doonin taageerada militari ee uu siiyo Israa’iil, kaddib markii uu dhammaaday waqti kama dambeys ah oo lagu ogolaanayo in gargaar bini’aadannimo oo dheeraad ah la geeyo Gaza.

Waaxda arrimaha dibadda ayaa soo xigtay xoogaa horumar ah, xitaa iyadoo kooxaha gargaarka caalamiga ah ay sheegeen in Israa’iil ay ku guuldareysatay inay buuxiso dalabaadka Mareykanka.

Related posts

Sargaal Mareykan ah oo Al Shabaab ka difaacay Eedeyn horey loogu soo jeediyay

Cabdi Cade

Lafta Gareen oo soo dhameestay Liiska Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare uga harsanaa K/G

Cabdi Cade

Afar Maamul goboleed oo sameystay Xisbi Siyaasadeed, ciidamo u gaar ahna abaabulaya

Caydiid Ali