Madaxweynaha Somaliland oo ayaa balan-qaaday inuu aqbali doono natiijada ka soo baxda doorashada Madaxtinimada ee maanta ka socota degaanada Maamulkaas
Hadalkan ayuu jeediyey wax yar ka dib markii uu codkiisa ka dhiibtay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee magaalada Hargeysa.
Sidoo kale hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee wadani C/raxmaan Ciro ayaa isna codkiisa ka dhiibtay hoolka shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, iyadoo si weyn loo soo saadaalinayo in doorashadan uu ku guuleysan doono.
Shacabka maamulka Somaliland ayaa saaka safaf dhaadheer ugu jira codbixinta doorashooyinka Madaxtinimo ee maamulkaasi.
Inta badan dadweynaha magaalooyinka waaweyn ee maamulka Somaliland ee kala ah Hargeysa, Berbera, Boorama, Burco iyo Gibileey ayaa aroornimadii hore ee saaka ku jarmaaday  goobaha codbixinta.
Waxaa doorashadaasi ku tartamayaa 3 xisbi Siyaasaadeed oo u tartamaya Madaxweynaha, halka toban ururna ay u tartamayaan iney xisbiyo noqdaan.
Ammaanka goobaha ay doorashooyinka ka dhacayaan ayaa si aad ah loo adkeeyey ayadoo dhammaan dhinacyada tartamayana ay shacabka ku booriyeen iney si nabad ah codadkooda u dhiibtaan.
Dowlada Somalia ayaa horey u bogaadisay nidaamka doorashooyinka maamulka Somaliland oo ah mid qof iyo cod ah, iyadoo ku baaqday in la ilaaliyo nabada iyo xasiloonida.
Somaliland ayaa 33 sano ka hor sheegatay iney ka go’day Somalia inteeda kale hase ahaatee ma jirto cid illaa hadda siisay aqoonsi caalami ah, hase ahaatee waxaa uu maamulkaas ku talaabsaday horumar balaaran, amni doorashooyin dadweyne iyo xasilooni ay kaga duwan yihiin koonfurta Somalia oo weli qeybo ka mid ah ay ka jiraan dagaalo.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO
Â