Somaliland waxaa saaka loo dareeray doorashada madaxtinimada oo ay ku baratamayaan xilka madaxtooyada murashixiinta sadexda xisbi qaran iyo toddoba urur siyaasadeed.
Dadweyne fara badan ayaa saaka safaf dhaadheer u galay goobaha codbixinta magaalooyinka hoos taga maamulkaas si ay codadkooda u dhiibtaan.
Musharaxiinta Madaxweynaha ugu cad cad ayaa kala ah Madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi oo hogaaminaya Xisbiga Kulmiye iyo musharaxa C/raxmaan Ciro oo horkacaya Xisbiga Wadani. Feysal Cali Waraabe oo horkacaya Xisbiga UCID ayaa soo sadaxeeya.
Muuse Biixi oo xalay qalabka warbaahinta kala hadlay shacabka Somaliland ayaa ugui baaqay dadka iney soi nabad ah ku codeeyaan, lana ilaaliyo nabadgelyada iyo kala dambeynta.
Doorashadan oo ah tii afaraad ee nooceeda ah ee ka dhacda Somaliland, marar badanna dib u dhacyo ay ku yimaadeen ayaa ku soo aadeysa xilli xiisad xooggan oo ka dhalatay heshiiskii is-fgarad ee badda ee Somaliland iyo Ethiopia ay kala saxiixdeen 1-dii Janaayo, ay weli taagan tahay.