Allbanaadir.com
NEWS

Senator cusub oo loo doortay Aqalka Sare ee BFS (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dr. Maxamed Nur GacalĀ  ayaa Shir Guddoomiyey kulanka maanta ee Golaha oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Ajendaha kulanka ayaa Doorashada Xubin Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia oo laga soo doorto Galmudug kaasoo buuxinaya kursi ka banaanaa golaha

Shirka Golaha ee maanta ayey ku doorteen Goluhu Kursiga tirsigiisu yahay UH16 ee Aqalka Sare.

Waxay Senator ugu doorteen cod Aqlabiyad Gacan-taag ah Mudane Cabdi-wali Ibraahim Garyare oo ka soo jeeda degmada Caabudwaaq Kadib markii uu Tanaasulay Musharraxii la tartamaysey Saciida Maxamed Cilmi.

Guddoomiyaha iyo Xubnaha Golaha ayaa Hambalyo iyo Duco u diray Senatorka cusub in uu Alle la garab-galo Xilka Culus ee loo dhhibay.

“Waxaa marka hore u mahadcelinayaa Madaxweynaha dowlada Galmudug Mudug Ahmed Qoorqoor, oo runtii fursad ii siiyey in aan u tartamo xil qaran oo aan ugu adeegayo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaana reer Galmudug” ayuu yiri Cabdiweli Ibrahim Ganyare oo kulankaas ka hadlay.

Senator Garyare ayaa sidoo kale yiri

“Madaxweyne Qoorqoor oo ah hoggaamiye isbadel badanĀ  ku sameeyey kaabayaasha dhaqaale, ammaan, waxbarasho, caafimaadĀ  ayaa sidoo kale astaan u leh isku wadka shacabka Galmudug ee kala aragtida duwan, taasi oo ay yar tahay hoggaamiye awooda. waxaan u balan-qaadayaa inaan garab iyo gaashaan u noqdo markasta”

“Dhinaca kale, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanada sharafta leh ayaa jecelahay inaaĀ  u mahadceliyo, maadaama ay codka kalsoonida isiiyeen, weliba si ay ku jirto xushmad iyo dhiirigelin siyaasadeed. Waxaana ballanqaadayaa in aanan meel cidlo ah uga tegin. Inshaā€™allaah”

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Maxay Maamulka Jaamacada Camuud ka yiraahdeen ardaygii caawa laga dilay?

Caydiid Ali

NISA oo qabatay sargaal iyo nin kale oo Al Shabaab shaqo weyn u hayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa magaalada Muqdisho oo Weerar ku qaaday Xildhibaanada Aqalka sare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---