Waxaa caawa fiidnimadii laamiga Dayniile gaar ahaan halka loo yaqaan Bangalo qarax miino lagula eegtay gaari Cabdi bille ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay 3 askari ayaa ku geeriyootay qaraxa, waxaana ku dhaawacmay labo askari oo kale, waxaana goobta qaraxa la galiyay fariisin u aheyd ciidamo katirsan Booliisa Milatare.
Gaariga la qarxiyay waxaa iska lahaa xildhibaan Dayax Cumar oo ka tirsan golaha shacabka Somalia, waxaana adeegsanayay ciidamo milatari ah oo katirsan guutada 77aad kuwaasoo degan xerada Urur howleed.
Ma jiro illaa hadda war ka soo baxay laamaha amaanka DF iyo Maamulka degmada dayniile oo ku saabsan qaraxan khasaaraha badan dhaliyey.