Allbanaadir.com
NEWS

Markab bambooyin u sida Israel oo ku xirtay dal carbeed

Markab ay leedahay shirkadda Maersk Denver oo hub iyo saanad militari oo u socda  Israa’iil ka soo qaaday Mareykanka, ayaa ku xirtay deked ku taalla dalka Morocco.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii markabkan laga diidday inuu ku xirto dekedaha dalka Spain oo si weyn u cambaareysay xasuuqa Israel ka wado Gaza.

Markabkan ayaa laga dejin doonaa shixnad militari oo uu sido, si loo saaro markab kale oo geyn doona dekedda Haifa ee Israa’iil.

Dadweynaha Morocco, ayaa ku bannaanbaxay dekedda uu markabkan ku soo xirtay ee Tanger Med, balse iskudayga kama hor istaagin in Dowlada Morocco markabkan sida bambooyin iyo hub loo adeegsanayo Qasa inuu ku soo xirto dekedda.

Dowlada ayaa iska dhaga-tirtay mudaaharaadayaasha iyo baaqyadii ka horreyay ee dhaqdhaqaaqayaasha Morocco ay ku dalbanayeen inan markabkan loo oggolaan dekedaha dalkooda.

Arrintan ayaa waxay fadeexad iyo wajigabax ku tahay dowlada Marooko oo ah dalka islaam ah oo ogolaaday in dekedaheeda lagu kala wareejiyo hub ku socda israel xili dal aan muslim aheyn oo reer galbeed uu damiirkiisu siin waayey inuu talaabadaas qaado.

Related posts

Taliye loo magacaabay Nabad sugida gobolka Sh/Dhaxe oo loo diiday in Jowhar galo

Cabdi Cade

Kenya oo fulisay qodobkii ugu weynaa heshiiskii ay dhowaan la saxiixatay Farmaajo

Caydiid Ali

Stefano Manservis iyo Masuuliyiin katirsan dowlada oo galabta tagay Soobe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---