Xubnaha Guddiga KMG ah ee labada Aqal ee Baarlamanka u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho.
Kulankan ayaa looga dooday sharciga dhismaha Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka, waxaana kulanka shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Senator Iftiin Xasan Iimaan Baasto iyo Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan).
Xubnaha Guddiga ayaa ka dooday qodobada Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka, waxaana Guddiga kala qeyb galay oo uu latashi kala sameeyay khubaro ka socday Hay’adda Build UP oo mudo dheer ka soo shaqeeyay arrimaha doorashooyinka.
Dhinaca kale. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay Magaaladda London ee caasimadda dalka Ingiriiska.
Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ku wehliya Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), waxaana uu ku qotomaa casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa Dowladda Ingiriiska sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska warfaafinta golaha shacabka.