Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ku qaabilay hoygiisa wafdi ka socda dowladda Kenya.
Wafdigan ayaa Dowlada Kenya waxay u soo xilsaartay iney dhexdhexaadiyaan madaxda DF iyo Axmed Madoobe oo khilaaf xoogan uu ka dhexeeyo kaasoo la xiriira arrimaha doorashooyinka
Xubnaha Wefdigan oo uu ku jiray Madaxa Sirdoonka Kenya Nuuradiin ayna ka mid ahaayeen Amb Mahboub Moallin, Amb Mohamed Abdi Affey iyo Hon Abdirahman Ali Hassan Colow waxay Kismaayo kula la soo kulmeen MW Axmed Madoobe, iyagoo kala hadlay xal,inta khilaafaadka kala dhexeeya DF
Wafdiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha soo gaarsiiyay dhambaal iyo salaan ay ka wadeen Madaxweynaha Kenya, William Ruto, waxaana ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dariska ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo ganacsiga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wafdigan ka socday dowladda Kenya, doorka dowladda Kenya ee ku aaddan taageerada dowlad dhiska Soomaaliya, iyo xasilloonida gobolka.
Weftiga waxay sugayaan Madaxweyne Xasan oo Caawa Xamar ku soo jeedaa kana soo laabanaya Sacuudiga. marka ay la kulmaana,waxay dib ugu laaban doonaan Kenya, lamana filayo in wafdigan ay cadaadis ku saaraan Axmed Madoobe inuu aqbalo joojinta doorashada dadban ee uu ku qabsanayo Kismaayo.