Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Axmed Madoobe oo maanta dhagax dhig sameeyay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dhagax-dhiggay dhismaha xafiiska Furdada iyo qaybta soo dhaweynta ee garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Dhagax dhiga Xafiiska Furdada ee garoonka diyaaradaha waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliydda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jubaland mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed (Handal), Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada mudane Cabdulaahi Dubad Shiil,
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha mudane Mahad Sheekh Cabdi, Ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo xubno kale oo ka socday howl wadeenada Wasaaradda Maaliyadda.

Mashruucan waxaa maalgelinaya Xafiiska Arrimaha dibadda iyo Horumarinta caalamiga ah ee (FCDO), waxaana ujeedadiisu tahay in la xoojiyo adeegyadii lagu soo dhoweyn lahaa rakaabka iyo horumarinta Furdada garoonka.

Dhagax-dhigan ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe isku diyaarinayo in doorasho uu mar kale kusoo baxayo ku qabsado magaalada Kismaayo, taa oo hadda qaban qaabadeeda ay socoto.

Related posts

C/wali Gaas oo Wareegto ku magacaabay Guddoomiye cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Villa Somalia kula kulmay Shiikh Umal & xubno kale (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey dagaalka Suudaan iyo cabsi laga qabo hal arrin (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---