Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Karin Johansson iyo xubno…

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Magaalada Nairobi u jooga safar shaqo, ayaa kulan la qaatay danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ms Karin Johansson.

Madaxweyne Laftagareen iyo Ms Karin Johansson ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasada dalka, amniga guud deegannada maamulka Koonfur Galbeed ,mashaariicda EU ay ka wada deegaannada Koonfur Galbeed iyo arimaha bini’aadannimada.

Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ms Karin Johansson, ayaa u ballanqaaday Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed in ay ka taageerayaan dhinacyada amniga iyo sidoo kale fullinta mashaariicyo dhowr ah oo horey loo qorsheeyay.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo maalmahan ku sugan magaalada Nairobi, ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya wakiillo katirsan beesha caalamka, kuwaa uu kala hadlayo xaalada deegaannada maamulkiisa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo codsaday in uu la kulmo Xi Jinping iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Dil ka dhacay deegaanka Ceelbaraf iyo xiisad maanta halkaasi ka jirta

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo Magacaabay Wasiiro cusub & masuuliyiin kale , Maxaabiis xirana ka farxiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---