Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal kasoo goostay RSF oo xog xasaasi ah fashilmay iyo saraakiil la xir xiray

Dalka Sudan waxaa wali ka socda dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeya ciidamada milatariga Sudan iyo kuwa gurmadka degdegga ee RSF, waxaana dagaalkan uu noqday mid aan wali lagu kala adkaan oo labada dhinac wali iska soo horjeedaan.

Milatariga Sudan ee dagaalka kula jira kooxda RSF ayaa maalmihii lasoo dhaafay qaaday howlgallo ka dhan ah ciidanka RSF, waxaana hadda soo baxaya in ay jiraan saraakiil katirsan milatariga Sudan oo si hoose ula shaqeeya RSF gacana ku siinaya jabka ciidanka milaariga.

Abu Aqla Kikal, oo ah sarkaal sare oo dhawaan ka soo goostay kooxda RSF, ayaa soo bandhigay xogta saraakiil sar sare oo ka tirsan militariga dallka Suudaan oo ku caawiyay kooxda RSF inay qabsato deegaanno istiraatiji ah oo gacanta milatariga ku jiray.

Sargaalkan kasoo goostay RSF, ayaa sheegay in gaashaanle dhexe Mahmoud Al-Numan oo ka tirsan militariga Suudaan inuu ku caawiyay  RFS inay la wareegto magaalada Wad Madani , oo ah caasimadda gobolka  Jaziira,kaddib markii uu ciidankiisa kala baxay buundada istaraatiijiga ah ee Al-Halfaya.

Waxa uu sheegay Abuu Aqla in sargaalkan katirsanaa ciidanka milatariga Sudan si hoose ula shaqeenayay ciidanka kooxda RSF, waxa uuna xusay in isagu sabab u ahaa in ciidanka milatariga jabaan kana baxaan magaalada Wad Madani

Milatariga Sudan ayaa markii xogtan soo baxday qaaday tallaabooyin adag oo ka dhan ah saraakiisha laga shakiyay in ay la shaqeeyaan dhinaca RSF, waxaana la xir xiray saraakiil laga shakiyay, halka ay jiraan saraakiil kale oo markii xogtooda la helay u baxsaday dhinaca RSF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska booliiska Somalia oo shaaciyay Sababta loo xiray Wasiirkii Amniga Jubbaland

Cabdi Cade

Weerar Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Degmada Afgooye

Cabdi Cade

Midowga Yurub oo hakiyey dhaqaalihii uu tooska u siin jiray dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---