Allbanaadir.com
NEWS

Donald Trump oo xilal u magacaabaya xubno mayal adag oo u ololeeyay

Madaxweynaha dib la doortay ee dalka Mareykanka Donlad Trump , ayaa lagu wadaa in uu xilal u magacaabo xubno mayal adag oo katirsan xisbigiisa Jamhuuriga, kuwaa oo qeyb weyn ka ahaa ololihiisa doorashada uu ku guuleestay.

Trump ayaa sargaal hore oo katirsanaa booliiska oo lagu magacaabo Thomas Homan, oo mar soo noqday ku simaha Madaxa Waaxda Socdaalka teeramki koowaad ee Trump,  u magacaabay in uu noqdo agaasimaha arrimaha xuduudaha Mareykanka.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa Madaxweyne Trump in uu agaasime ku xigeenka madaxtooyada Aqalka Cad u magacaabo Stephen Miller, oo lagu sheego in uu yahay maskaxda ka danbeyso siyaasadda dhanka socdaalka ee madaxweyne Trump.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa dhanka kale Isniinti ku warrantay in Madaxweyne Donald Trump uu Wasiirka Arrimaha Dibadda uu u magacaabi doono siyaasiga Marco Rubio oo ah senator laga soo doorto gobolka Florida.

Haddii ay run noqoto magacaabidan la saadaalinayo, waxa uu Marco Rubiyo noqon doonaa, qofki ugu horreeyay ee kasoo jeedo bulshooyinka Laatiinooga-Mareykanka ah ee madax u noqda Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Madaxweynaha dooran ee Mareykanka, Donald Trump ayaa dib ugu laaban doono Aqalka Cad uu horey uga baxay , 21-ka bisha January markaas oo uu xilka kala wareegi doono madaxweynaha xafiiska ka sii tagaya ee Joe Biden, waxaana la filayaa kahor in uu xilal badan magacaabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Mucaarad ku ah Xasan Sheekh oo dil loogu hanjabay

Cabdi Cade

Laftagareen oo si kulul uga hadlay Qaraxii lagu dilay Gudoomiyihii Magaalada Marko

Caydiid Ali

Wasiir Fiqi oo Xildhibaannada Aqalka Sare kahor aqriay Hindide Sharciyeed uu rabo in la meel mariyo

Cabdi Cade