Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo khudbad ka jeediyey shirka ururka Islaamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbad ka jeediyay, Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee dowladaha Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay  magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, kaasoo looga hadlayo xaaladdaha Beni-aadannimo ee ay wajahayaan shacabka reer Falastiin iyo Lubnaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadaljeedintiisa ku dul istaagay mugga qasaaraha gaaray shacabka Biri ma-geydada ah Falastiin iyo Lubnaan, xasuuqa aan loo meel dayin iyo burburka kaabayaasha nolosha, isaga oo soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee xalka Nabad waarta oo ka hanaqaadda Bariga dhexe.

“Qadiyadda Gaza, waa mid ka gun weyn siyaasad iyo afkaar intaba, waxa ayna salka ku haysaa xuquuqda aadanaha, karaamada iyo caddaaladda. Xalka nabad waarta oo bariga dhexe ka dhalata, waxa uu ku imaan karaa oo kaliya in la sameeyo dowlad Falastiini ah oo leh xuduudaheedii 1967-kii, caasimaddeeduna tahay Qudus” ayuu yiri madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay madaxda dowladdaha Shirka ka qayb galaya iyo beesha caalamka in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo gurmad degdeg ah lagu gaarsiinayo shacabka dhibaateysan, waxa uuna soo jeediyay in la dhaqan galiyo xabad joojin degdeg ah, isla markaana dib loogu laabto miiska wada hadallada.

Related posts

Burundi oo weli diidan qorshaha ciidankeeda qeyb ka mid ah looga saarayo Somalia

Caydiid Ali

Mahad Salaad oo sharci daro ku sifeeyey qoraalkii DF ka soo saartay doorashada Galmudug

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo taageero cusub weydiisatay Sacuudiga

Caydiid Ali