Hadalka iyo aamusnaanta aan Maangalka ahayn Waxay wataan Waxyeeladooda Taban
Soomaaliya waxey tusaale ahaan la mid tahay isbitaalka lagu daweeyo dadka waalan oo uu dhimirkoodu dhaawacan yahay, waxaana isbitaalkaas aan ku habooneyn in booqasho dalxiisa loogu tago bukaanada ku jira, iyadoo laga dhex goobayo bal in laga dhex helo bukaan ay dhimirka maskaxdiisu dhantaalan tahay, maxaa yeelay waay iska cadahay inaan meesha cid kale lagu daweyneyn. Taas waxaa la mida siyaasiyiinta maankoodu doorsan yahay oo Soomaaliya dowladnimadeeda ka dhex goobaya cilado ay ku mucaaradaan madaxda dalka hogaamineysa, iyagoo iska indhotiraya in dalku uu hooy u yahay dhibaatooyin fara badan oo ka dhex jira dowladnimadiisa, kuwaasoo uu ka soo dhaxlay burburkii dowladda ku dhacay oo ka dhashay dagaalada sokeeye.
Dalka Soomaaliya wuxuu leeyahay dowlad taagdaran oo dhibaatooyin fara badan lagala soo maray in la soo gaarsiiyo heerka ay horumarkeedu mareyso maanta marka la barbardhigo meesha laga keenay oo dowladnimadeedu ay ahayd mid ku sugan qas iyo jahowareer ay la waalneyd, waxaana socodsiinta hanaankeeda dowladnimo ka dhex buuxa cilado fara badan oo ay kula nooshahay iney ku tahay bukaan socod. Qof walba oo ay maskaxdiisu maangal tahay wuxuu ogsoon yahay in soo kabashada buuxda ee dowladnimada Soomaaliyeed ay qaadaneyso wakhti dheer oo weliba xawaaraha ay ku gaareyso uu socodkeedu yahay tilaabsi caruureed ay u wehliso culaab maskaxeed haysta hogaankeeda.
Dal aysan hayadahiisa dowladeed lahayn wax tayo ah, dhaqaalihiisuna yahay sabool, maamulkiisuna ku shaqeeyo musuqmaasuq, madaxdiisuna ay magan u yihiin kaalmada shisheeyaha, mucaaradkiisuna ay dhalanteed ugu riyoonayaan qabweyni dowladnimo oo aysan qiimaheedu meesha oolin, ayaa waxey xaalada dowladiisu tahay waxey cid walba ay qiyaasi karto oo ah inuu yahay bukaan socod la ildaran dhibaatooyin siyaasadeed oo iska daba jiitamaya, kuwaas oo ay ka dhasheen aafooyin dhaqaale, iyo kuwo bulsho oo sabab u noqday ineysan sharciyada dalka u degsan sida dastuurka oo kale uusan si habsamiya uga shaqeynin.
Dadka waxgaradka ah ayaa waxaa horyaala iney kala saaraan in Soomaaliya sida ay hadda tahay ay weligeed isaga sii jirto oo ay halkeeda ku negaato, iyadoo aysan cidna isku dayeynin iney sameyso isbedel keeni kara horumar, ama in taas bedelkeeda dalka taagdaradiisa la garawsado oo horumarka gaaban oo uu sameynayo la xoojiyo, iyadoo aan marna la iska indhotireyn gaabiska uu ku socdo oo dantu ay biday, waxaana tixgelin mudan inaan lagu sirmin aragtida dhibaneysan ee siyaasiga Soomaaliyeed oo dalka dowladiisa ku canaananaya iney u tilaabsan weyso sida saxda ah oo adduunka horumaray ay uga shaqeeyaan dhaqangalka sharciyadooda iyo maamul wanaaga dowladnimadooda, waxeyna taladaas la mid tahay qof isbitaalka waalida ka dhex baadi goobaya bukaan dhimirkiisu dhantaalan yahay.
Dimoqaraadiyeynta dowladnimada Soomaaliya waa mid aan laga fileyn iney hal mar si toosan ay dalka uga hanaqaado, waxeyse cid walba aysan moogeyn in qaladaad fara badan ay mareyso geedi socod kasta oo loo marayo hanaanada cusub ee lagu dhisayo siistam kasta oo ka mida tiirarka aasaaska u ah horumarinta dimoqaradiyenta dowlanimada Soomaaliya, sida dhismaha xisbiyo qaran, xeerka doorashooyinka, maxkamada dastuurka, iyo qabashada doorashooyinka dadweynaha. Waxeyna meelmarinta hanaanadaas ay lagama maarmaan ka dhigayaan in la qaado tilaabooyinka ugu horeeya oo loo marayo hawlaha lagu dimoqaradiyeynayo dowladda, kuwaasoo turxaan bixintoodu ay qaadaneyso sanooyinka badan ee soo socda.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah waxaa looga baahan yahay iney kala saaraan diidmada ay uga soo horjeedaan xiriirxumada kala dhexeysa habdhaqanka hogaamiyaha xilka haya, iyo iney garawsadaan caqabadaha ay leeyihiin socodsiinta lagu meelmarinayo geedi socodka siistemada ay nidaamyada hanaankoodu kala duwan yahay, kuwaas oo ah tiirarka ay ku taagan tahay maba’diida dimoqaraadiyada, kuwaas oo ay dhamaantood yihiin kuwo hirgelintoodu ay ku cusub yihiin nidaamka dowladnimada Soomaaliya, sidaasna aan ku hureyn kufid iyo kicid isdaba jooga inta ay si saxa u dhameystirmayaan.
Dhibaatada haysata Soomaaliya ma ahan oo keliya xagjiriinta dagaalka hubeysan kula jirta dowladnimada Soomaaliya, balse kuwaas waxaan ka liidan waxgaradka arkaya xaqdarada ay dowladnimada kula kacayaan siyaasiyiinta taageersan madaxda maamul goboleedyada falaagada ah oo aan haddana ka hadleyn habdhaqankooda qaldan oo sida xumaatada badan u baalmarsan haykalka dowladnimada, balse taas iney ka hadlaan ay bedelkeeda ka doorbidayaan iney ka aamusaan waxyeelada ka dhalan karta caasinimada ay siyaasiyiintaas ixtiraamdarrada ugu muujinayaan dowladnimo diidkooda.
Siyaasiyiinta waxgaradka ah waxaa la gudboon iney codkooda ku taageeraan tilaabooyinka ay madaxda dowladda isugu deyeyaan iney horay ugu qaadaan tilaabooyinkooda kowaad oo ay u qaadayaan dhismaha lagu horumarinayo dimoqaradiyada dowladda, sida dhismaha gudiga doorashooyinka, xeerarka xisbiyada, xeerarka doorashooyinka, maxkamada dastuurka, iyo qabashada doorashooyinka dadweynaha. Waxaan shaki lahayn in aamusnaanta iyo hadalka diidmada ah oo looga soo horjeedo in la sameeyo iskuday isbedel loogu sameynayo horumarinta dimoqaradiyada dowladnimada dalka, iney ka turjumayaan hagardaamo, maangalxumo, iyo hawlgabnimo siyaasadeed, kuwaas oo ciribtoodu saameeyneyso guuldaro ku timaada mucaaradka horusod diidka ah.
Kuuriyada Waqooyi ayaa go’aansatay in markii ugu horeeyey ay sameysato cagafta beeraha, waxaana xusid mudan in tijaabadii ugu horeysey oo ay qaaday iney ku sameysato cagafta beeraha uu ciladoobey oo meeshii laga filayey iney horay u socto ay dhacday iney gadaal u socoto, taas oo horseeday in tilaabada kowaad ay tijaabadeedu keeneyso horumarka lagu turxaan bixin karo ciladeeda, sidaasna waxey ugu dambeystii ugu guuleysatay iney soo saarto cagafyo tayo leh oo beeraheeda ay uga baahi baxdo, waxeyn taas ay tusaaleyneysaa dadka waxgaradka ah in wax kasta oo la isku dayo in ay tahay guul, balse guuldaradu ay tahay inaan waxba la isku deyin oo laga cabsado ciladaha ka dhalan kara isbedelka uu keenayo guusha horumarka.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)Â
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com