Allbanaadir.com
NEWS

Shirweynaha COP-29 oo ka furmay Baku & Somalia oo..

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, oo ka qeybgashay furitaanka shirka caalamiga ah ee maareynta saameynta isbedelka cimilada COP-29.

Wasiirka ayaa hoggaamineysa wafdi ballaaran oo Soomaaliya uga qeybgalaya shirka COP29 ee ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

Wafdiga waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga iyo Azerbijaan, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo xubno kale oo muhiim ah.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya ayaa warbaahinta qaranka u sheegtay in ay rajeyneyso in guulo waaweyn ay ka soo hoyaan shirkaas, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga caalamiga ah iyo helitaanka maalgelin ku filan oo lagu xalliyo caqabadaha cimilada.

Wasiir Khadiija ayaa la kulantay madaxda ka soo qeybgashay shirka, si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka ah ee la xiriira cimilada.

Soomaaliya waxay rajeyneysaa in ay ka faa’iideysato fursadaha shirka COP29, si ay u hesho taageero caalami ah oo ku aaddan qorshayaasheeda wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo inay soo bandhigto dadaallada ay ku bixineyso la tacaalida caqabadaha cimilada ee saameynaya dalka.

Related posts

Yuusuf Garaad oo Mareykanka looga soo sheegay in xilka laga qaaday kana hadlay sida uu u arko xil ka qaadista 

admin

Weerar culus oo ka dhacay wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Mid kamid ah Fanaaniintii ugu caansanaa Soomaaliya oo goordhaw geeriyootay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---