Allbanaadir.com
NEWS

Labada Aqal oo maanta qaaday tallaabo gogol xaar u ah doorasho qof iyo cod ah

Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenadda koowaad iyo labaad ee Golaha Aqalka Sare iyo sidoo kale Golaha Shacabka ayaa maanta shir guddoomisay kulanka 6-aad ee wadajirka labada aqal.

Ajendaha kulanka wadajirka ah ayaa waxa uu ahaa ansixinta habraaca fadhiyada wadajirka ah ee saddexda hindise sharciyeed iyo akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedyada kala ah Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka Ururadda iyo Xisbiyada Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha.

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka dalka ayaa ansixiyay habraaca fadhiyada wadajirka ah ee ansixinta saddaxda hindise sharciyeed ee uu ku shaqeyn doono guddiga kumeel gaarka ah ee aqal u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha iyo sidoo kale qorshe howleedka guddiga, waxaa ogolaatay 170 Xildhibaan, mana jirin Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Cali Xoosh ayaa mudanayaasha labada aqal u aqriyay warbixinta akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka, Hindise Sharciyeedka Ururadda iyo Xisbiyada Siyaasadda ee JFS iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha.

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in hindise sharciyeedyadaan lagu wareejiyay Guddiga Kumeelgaarka ah ee Labada Aqal si ay usoo diyaariyaan warbixinta akhrinta labaad.

 

 

Related posts

Wasiir Fiqi oo Madaxweyne Xasan ka difaacay toosh weyn oo lagu ifiyay

Cabdi Cade

Nin nool oo laga soo saaray dhisme gubtay shan cisho ka hor (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Taliye Saadaq Joon oo xilka laga qaaday iyo Taliye cusub oo lagu bedelay

Cabdi Cade