Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaannada labada Aqal ku matela Jubbaland oo War-murtiyeed soo saaray

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shirka wada-tashiga ee ay u joogaan Magaalada Kismaayo iyagoo tageeray Doorashooyinka Jubaland.

Illaa 35 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labada Aqal ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa qaadacay shuruucda la xiriirta doorashooyinka ee Baarlamaanka la horgeeyay iyo tallaabadii Guddiga Kumeel gaar loogu saaray oo ah mid baalmarsan Dastuurka.

Xildhibaannada ayaa taageero weyn u muujiyay doorashada ay Jubbaland galeyso, taasoo ay ku tilmaameen inuu yahay mid waafaqsan sharciga iyo dastuurka Dowladda Federaalka iyo kan Jubbaland.

 

Related posts

Ciidanka Booliska DF oo ka falceliyey dilkii Afgooye loogu geystay Cumar Carabey

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo Maamuusay madaxdii iyo Masuuliyiintii ka qeyb gashay kulankii Wadatashiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Hirshabeelle oo loogu baaqay in uu Is casilo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---