Allbanaadir.com
NEWS

Ku-xigeenkii Muuse Biixi oo taageeray Musharax C/raxmaan Ciro

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa ka baxay Xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo Muuse Biixi isagoo ku biiray Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa bulshada ugu baaqay inay u codeeyaan xisbiga Waddani iyo ururada isbadal doonka ah.

Saylici oo muddo ka badan 14 sanno ahaa madaxweyne ku xigeen, ayaa shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Musharax Cirro ku taageeray isbadaldoonka, isaga oo sheegay in madaxweynuhu uu ka baxay wixii uu ku dhaartay 7 sanno kahor.

“7 sanno ayaan ugu dul qaadanayay Madaxweyne Muuse Biixi Waxyaabo badan, laguma sii halayn karo talada dalka, dhaarti qaranka u dhaartay wuu ka baxay, danta Somaliland isbedel doonka ayay ku jirtaa.” ayuu yiri Saylici.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa isaguna soo dhaweeyay taageerada Saylici, isagoo bulshada ugu baaqay in ay taageeraan xisbiga Waddani iyo ururada kale ee bahwadaagta la ah.

Musharax Cirro ayaa taageero is daba joog ah ka helaya siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dadka magaca ku leh Somaliland, waxaana raja wayn laga qaba in uu ku guulaysto doorashada 13 November oo muddo 3 cisho ah ay naga xigto.

Related posts

Booliiska Soomaaliya oo War kasoo saaray Caruur Walaalo ah oo si xun loo dilay

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Xafiiskiisa ku qaabilay Hassan Bin Hamza 

admin

Ciidamada dowlada oo baaritaan adag ku sameeyey Masjid caan ka ah Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---