Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa caawa mar kale dib u magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raagge.
Odowaa ayaa xilkan laga qaaday sanad ka hor, iyadoo lagu xusuusto in xilligii uu Taliyaha ahaa in Ciidanka Xoogga guulo waaweyn ka soo gaareen howlgalada ka dhanka ah Argagixisada ee bilowday dhammaadkii sanadkii 2022, deegaano fara badan lagu xorreeyay.
“Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska RW Somalia.
Todobaad ka hor ayay aheyd markii sidoo kale Taliyaha ciidanka Lugta loo magacaabay Sarreeye Guuto Sahal C/llaahi Cumar oo loo yaqaano Khaalid.
Taliyaha xilka ka degaya Sareeyo Gaas Ibrahim Shiikh Muxudiin ayaa la’aaminsan yahay inuu habacsanaan ku keenay howlgaladii ciidanka ee ka dhanka ahaa al Shabaab.